Kusoo dhawaada webka Alquran Alkariim 

Quran, Cure of the Hearts.

Quran Recitation.

TAJWIDKA QURANKA KARIIMKA. ARDAY SOMALI AH.

DABEECADDII DADKII ALLE DOORTAY.
  • Bismillaah Arraxmaan Arraxiim.
    ~ IBRAAHIIM AT-TAYMII: Ibraahiim Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: " Qofka Mu'minka ahi waakan aan dadka tusin cibaadadiisa, si le'eg sida uusan u jeclayn inuu u tuso markuu dami samaynayo"
    ~ UMAR BIN CABDUL CAZIIZ: Ilaahay haka raalli noqdee, maalin baa waxaa lagu waaniyey "Cumaroow, iska ilaali inaad iska dhigto Ilaahay qof lajira markaad dadka lajoogto, laakiin aad noqoto ilaahay cadawgiisa marka aan laguu jeedin, maxaa yeelay haddii aan qofka qalbigiisa iyo camalkiisu iswaafaqin waa Munaafaq, Munaafaqiintuna waxay degi doonaan meesha ugu hoosaysa Naarta".
    ~ MID KAM MID AH dadkii khayrka badnaa ayaa wuxuu yiri: "Iska ilaali CABSIDA MUNAAFAQIINTA, waxaa laweeydiiyey WAA MAXAY CABSIDA MUNAAFAQIINTU?, wuxuu yiri "Cabsida munaafiqiintu waxaa weeye marka jirkaaga cabsi laga arko, laakiin aan qalbigaagu hoose uusan Alle kacabsanayn"!.
    ~ SHIIKH KALENA WUXUU YIRI: "Lajoogga dadka khayrka badani waxay usiyaadisaa qalbiga cabsi Ilaahay"
    ~ AXMAD BIN XARBI: Ilaahay haka raalli noqdee wuxuu yiri: " Wax qalbiga muslinka uga fiicani majirto inuu lafariisto dadka ehlu khayrka ah isla markaasna uu fiiriyo waxay samaynayaan, sidaa si le'eg wax uga xuni majirto qalbiga muslinka inuu lafariisto dadka dunuubta sameeya isagoo fiirsanaya waxa ay samaynayaan".
    ~ AXAD KA MID AH dadkii khayrka badnaa ee horena wuxuu yiri: " Haddaad awoodi kartid in aan lagaaga dheerayn Ilaahay ucararkiisa iyo raalli galintiisa yaan lagaaga dheerayn".
    QATAADAH: Ilaahay haka raalli noqdee waxaa laweeydiiyey maalin: Qofkee baa ugu qiima badan dadka dhexdiisa, wuxuu kujawabay: "Qofka had iyo jeer kumashquula ceebihiisa".
    SHIIKH kale oo kamid ahaa dadkii hore ee khayrka badnaa asna wuxuu yiri: "Markaan Ilaahay caasiyo waxaa igu madax adkaada oo igu caasi garooba xoolaha aan dhaqdo iyo xaaskayga"
    ALI BIN ABII DAALIB: Ilaahay haka raalli noqdee wuxuu yiri "Qofka shan arrimood ayaa noloshiisa wax katara, waxayna kala yihiin: Haweentiisa oo maqasha, carruurtiisa oo daacad u ah, saaxiibadiis oo Alle ka cabsi badan, deriskiisa oo muslin dhaba ah, iyo risiqiisa oo Alle u waasiciyo".
    AXMAD IBNU XARB: Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri mar kale " Lix arrimood haddii ay ku kulmaan qof dumar ah khayrkeedu waa badnaaday, waxayna kala yihiin: Shanteeda salaadood oo ay ilaaliso, ninkeeda oo ay adeecdo, rabbigeed oo ay raalli geliso, carrabkeeda oo ay xanta ka ilaaliso, adduunka oo aysan jeclaan iyo inay ku samirto wixii dhib ah oo Alle u keeno".
  •  SUFYAAN ATH-THOOWRII: Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri " Ha raadinin in lagu doorto ama madaxnimo, ilaa aad
    naftaada la-dagaashid 70 (todobaatan) sano, kaddibna aad ku toosisid jidka toosan".
  •  BAKAR IBNU ABDULLAAH AL-MUZANI: Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: "Haddii aad aragtid qof kaa-weeyn xushmee adigoo kudhahaya naftaada: "Qofkaani maadaama uu iga weeyn yahay wuxuu iiga hoorreeyey Ilaahay cibaadadiisa iyo islaamka",
    Haddii aadse aragtid qof kaayar isagana xushmee adigoo ku dhahaya naftaada "qofkaani waa iga fiican yahay maadaama aan uga horreeyey dunuubta samaynteeda". haddii dadku ku qaddariyo waxaad tiraahdaa "tani waa nicmo Alle igu galladaystay laakiin aanan u qalmin", haddii ay kuqadarin waayaanna waxaad tiraahdaa "tani waa natiijo kadhalatay dunuubtayda", waxaad kaloo ogaataa haddii aad ku tuurtid quruurux qofka deriskaaga ah EEYGIISA ogoow in aad dariskaaga dhib ugeysatay".

    FUDAYL IBNU CIYAAD: Allaha karaalli noqdee wuxuu yiri: " Qofka Mu'minka ahi wuxuu beeraa geed timir ah(camalka wanaagsan) isagoo ka baqaya in geedkaasi uu soo bixiyo Qodax badan, Munaafaquse wuxuu beeraa geed qodax badan(camalka xun) isagoo karajaynaya in geedkaasi usoo saaro timir badan"!.
  • MAALIK IBNU DIINAAR: Allaha karaalli noqdee waxaa laga hayaa inuu yiri: "Qofkii damca inuu guursado ADDUUNKA(Dabaraaco), haddaba aadduunku raalli kanoqon maayo qofkaas ilaa uu Diintiisa ubixiyo qofkaasi YARAD ahaan"!.
  • FUDAYL IBNU CIYAAD: Allaha karaalli noqdee wuxuu mar kale yiri: "Haddii aad damacdid in aad xamatid qof aadoomaha Ilaahay kamid ah, haddaba xusuuso Ilaahay sarreeyntiisa iyo weeynankiisa, maxaa yeelay Ilaahay xusuustiisu waxay daawo utahay in layska daayo xanta aaddoomihiisa"
    KACAB AL AXBAR: Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri " Inaan ooyo oo xabbad dhibic ahi kasoo dhacdo indhahayga Ilaahay dartiis, ayaa waxaan kajeclahay in aan qalbigayga oo madoow sadaqaysto buur dahab ah"
    Cabdullaahi ibnu Mubaarak: Allaha karaalli noqdee wuxuu yiri: " Adduunku waa xabsigii Qofka Mu'minka ah, xabsiga camal lagu dhex sameeyana waxaa ugu fiican samir iyo in qofku qariyo caradiisa, Mu'mimku dal kuma leh aadduunkaan, waddankiisii wuxuu heli doonaa berrito, kaddib markii naftu kabaxdo".

    MID KA MID AH dadkii hore ee khayrka badnaa: Ayaa wuxuu yiri " Haddaad rabtid in aad ku dhawaatid Ilaahay, haddaba waa inaad adduunka iyo adiga dhexdiinna dhigtaa darbi kasamaysan BIR"!.

Quotes From Holy Quran

  • He is the One GOD; the Creator, the Initiator, the Designer. To Him belong the most beautiful names. Glorifying Him is everything in the heavens and the earth. He is the Almighty, Most Wise. [59:24]
  • Those who believed and led a righteous life are the best creatures. [98:7]

    Their reward at their Lord is the gardens of Eden with flowing streams, wherein they abide forever. GOD is pleased with them, and they are pleased with Him. Such is the reward for those who reverence their Lord. [98:8]

    O children of Adam, we have provided you with garments to cover your bodies, as well as for luxury. But the best garment is the garment of righteousness. These are some of GOD's signs, that they may take heed. [7:26]


    Your Lord has commanded that you worship none but Him, and be kind to parents. If either or both of them reach old age with you, do not rebuke them, but speak to them in terms of honor and kindness. Treat them with humility, and say, 'My Lord! Have mercy on them, for they did care for me when I was little'. [17:23-4]. 

    Fight in the cause of God against those who fight you, but do not transgress limits. God does not love transgressors. [2:190].

    If they seek peace, then seek you peace. And trust in God for He is the One that heareth and knoweth all things. [8:61]
  • O mankind! We created you from a single soul, male and female, and made you into nations and tribes, so that you may come to know one another. Truly, the most honored of you in Gods sight is the greatest of you in piety. God is All-Knowing, All-Aware. [49:13]

    "There shall be no compulsion in religion: the right way is now distinct from the wrong way. Anyone who denounces the devil and believes in GOD has grasped the strongest bond; one that never breaks. GOD is Hearer, Omniscient.". [2:256]
  • Hold to forgiveness, command what is right; but turn away from the ignorant." [7:199]

    "Have patience with what they say, and leaves them with noble (dignity)." [73:10]

    "And the servants of Allah . . . are those who walked on the earth in humility, and when the ignorant address them, they say 'Peace'" [25:63]

    "Allah is with those who restrain themselves." [16: 128]
  • "And if you punished, let your punishment be proportionate to the wrong that has been done to you; but if you show patience, that is indeed the best course. [16:126]

    "The recompense for an injury is an injury equal thereto: but if a person forgets and makes reconciliation, his reward is due from Allah." [62:40]

    Whoever kills another one without justifiable cause, surely he is killing all of humanity. And whoever saves the life of another one, surely he saves the lives of all of humanity. [Sura Al Ma'aidah: Ayah 32]

  •  

Qari Reciting Quran with many Presidents around the world.

Website counter

Oops! This site has expired.

If you are the site owner, please renew your premium subscription or contact support.