Kusoo dhawaada webka Alquran Alkariim 

Quran, Cure of the Hearts.

KITAABKA LAA TAXZAN(HA MURUGOONIN), QEYBTA KOOWAD. Add Video

?Iimaanku wuxuu kaxeeyaa humuumta, wuxuuna suuliyaa qammiga, ............ ?Wixii tagay wuu tagay, wixii ku dhaafayna wuu dhaafaye ha ka fikirin wixii tagay, waa wax tagay oo aan soo noqanayn. ?Digkriga Illaahay ayey quluubtu ku dagtaa, dunuubtana lagu masaxaa, isaguuna raali kaaga noqonayaa Ilaaha og waxa qarsoon iyo waxa muuqdaba, isagaana kurbooyinka lagu faydaa ?Cidna hakasugin mahadnaq,waxaa kugu filan ajarkaad helaysee,waxba kaama galin kii bakhaylay ama xaasiday. ?Hadii aad waabariisato hasugin gabal dhacsi, noolow maalintaadu inta ay leegtahay, hamigaagana kusoo koob inaad maalintaada wanaajiso. ?Faraha ka qaad mustaqbalkaaga inta uu ka imanayo, hana isku mashquulin bari, hadii aad wanaajiso maalintaadan barina iyadaa hagaagiye. ?Ka daahiri qalbigaaga xasadka, kana nadiifi cuqdada,............ ?Ka fogow dadka wixii aan khayr ka ahayn, ahow kii ama tii ku eekaata ama ku ekaada gurigiisa, ama gurigeeda iskana jir khaladka badan. ?Kitaabku waa kan saaxiibada ugu wanaagsan, ee dhex dabaalo kutubta,caalimna la saaxiib,....... ?Kawnka waxaa loo abuuray nidaam, hadaba waa inaad nidaamisaa labiskaaga, gurigaaga, maktabadaada iyo waajibaadkaaga. ?Ku dadaal socodka iyo ciyaaraha ( sport ) , iskana ilaali caajiska, kana dheeroow firaaqa iyo shaqo la'aanta. ?Taariikhda akhri, kana fikir cajaa'ibta ku jirta, una fiirso waxyaabaha layaabkaleh ee ku jira, kuna raaxayso qisooyinka iyo wararka ku jira. ?Cusboonaysii noloshaada, kala nooc ka dhig qaabka aad u nooshahay, badal nooca kaliya ee aad u nooshahay....... ?Ka dheerow balwadaha sida, shaaha, qaxwaha, aadna isooga jir sigaarka, shiishada, qaadka, IWM ?Ilaali nadaafada maryahaaga,wanaajina urtaada, qaabkaagana ku nidaami ( wanaaji ) cadayga iyo udgoonka. ?Xasuusnoow in Rabbigaa uu yahay mid danbi dhaafkiisu uu balaadhan yahay, wuxuu aqbalaa tawbada, wuuna cafiyaa adoomadiisa, xumaantana wuxuu ku badalaa wanaag. ?U shukrinaq Rabbigaa nimcoyinkiisa, ay ka mid yihiin, diinta, caqliga, caafimaadka, asturaada, maqalka, aragga, risqiga, caruurta IWM ?Miyaadan ogayn in dadka ay kamid yihiin ku caqliga waayey ama caafimaadka laga qaaday ama shilal ku dhacay ama fitnoobay ?! ?La noolow Qur'aanka, xifdin, akhrin iyo ku khushuucidba, isagu waa dawada ugu wayn ee lagu daweeye Hammiga iyo Qammiga. ?Illaahay talo saaro amarkaagana u dhiibo, xukunkiisana ku raali noqo, xagiisana u carar, iskuna halee, ilayn isagaa kugu filane... ?Saamax kan ku dulmiyey, xidhiidhi kan kujara, sii kan kuu diida, udul qaado kan ku xumeeyey waxaad helaysaa farxad iyo amaane. ?Istiqfaarta badso, waxaad helaysaa risqi, hawlahoo kuu fudaada, duriyad wanaagsan, cilmi wax anfaca iyo dunuubtoo lagaa masaxo. ?Ku qanac, sidaad u eegtahay, gudahaaga, waxaad taqaano, ehelkaaga, gurigaaga, waxaad helaysaa faxad iyo sacaado badane. ?Ogow in culayska uu fudayd ka danbeeyo, farajkuna uu ka danbeeyo dhibaatada, xaalkuna inuusan dhinac kaliya ku daa'imin, ogowna in maalmuhu ay yihiin dawlado " al ayaamu duwal" ?Rajo yeelo oo ha quusan, wanaaji daniga aad rabigaa ka qabto oo ka sug waxkastoo khayra oo quruxbadan. ?Ku farax doorashada uu Illaahay kuu dooro, ilayn ma ogid sida khayrku kuugu jiree. ?Iska jir daniga xun, kana fogow malaha beenta'ah iyo waxa aan jirin ee ay naftu kuugu sheekaynayso. ?Ogow inayna kaligaa dhibaatadu ku qabsanin, miyuu jiraa qof ka badbaaday Hammi iyo nolol adagi.! ?Ka fikir kuwii nolosha kaaga horeeyey, ee ay ka mid ahaayeen kuwo la xidhay, kuwo lacasilay, kuwo la dilay, kuwo la imtixaamay oo la ibtileeyey IWM

Posted by alquran-alkarim on April 2, 2013 at 8:48 PM 970 Views

Post a Comment

Oops!

Oops, you forgot something.

Oops!

The words you entered did not match the given text. Please try again.

Already a member? Sign In

0 Comments

Oops! This site has expired.

If you are the site owner, please renew your premium subscription or contact support.